Man United Uma Dhawa Arsenal & Man City, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah

 


Man United uma dhawa kooxaha ku tartamaya horyaalka Premier League ee Arsenal iyo Man City ka dib markii ay barbaro 2-2 ah la galeen Leeds sida uu sheegay khabiirka Jason Cundy – kaasoo dareensan in natiijadii Leeds Tahay dhibco ay Lumisay United.

Kooxda Erik Ten Hag ayaa looga hor maray 2 gool bilowgii qaybta hore iyo qaybta dambe waxana ay bar-baro keeneen qaybtii dambe ee ciyaarta.

Man United ayaa 7 dhibcood ka dambaysa Arsenal kuwaas oo 2 kulan baaqi u yahay Cundy ayaana dareensan in ay Man United dishay rajadooda horyaalka kadib bar-baraha.

“Taasi natiijo fiican uma aha United – taasi waa natiijo xun,” ayuu ku yiri talkSport.

“Dhammaanteen waxaan fileynay in United ay dhibcaha kulanka qaadan doonto maadama ay garoonkeeda ku ciyaaraysay isla markaas soo yarayn lahayd dhibcaha ay ka dambayso Arsenal iy Man City”.

“Laakiin marka aan qiimeeyo waxa aan arkay kulankii Leeds, United xitaa uma dhawa kooxaha Arsenal iyo Man City”ayuu sii raaciyay.

“Inkasta oo ay 2 gool ka soo laabteen hadana taageerayaasha Man United waxa ay dareemayaan guuldaro iyo dhibco ay kooxdoodu lumisay kuna lumisay koox bilaa tababare ah”.

Post a Comment

Previous Post Next Post